Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay afar hoggaamiye oo ka tirsan ciidanka gurmadka degdegga ah ee Suudaan (Rapid Support Forces – RSF), kadib xadgudubyo iyo tacaddiyo ka dhacay magaalada Al-Faasher ee galbeedka Suudaan.
Kuwa la saaray cunaqabateynta waxaa ka mid ah taliye ku-xigeenka RSF, Cabdul Raxiim Xamdaan Dagaalo, iyo Sarreeye Guuto Al-Faateh Cabdullaahi Idris, oo loo yaqaan Abu Lulu, kana caan baxay naanaysta “Kawaanlaha Al-Faasher”. Sidoo kale waxaa ku jira taliye ku-xigeenka RSF Gedo Xamdaan Axmed iyo taliyaha ciidanka ee goobta dagaalka Tijaani Ibraahim.
Qabsashadii RSF ay bishii Oktoobar kula wareegeen magaalada Al-Faasher ayaa loo arkaa mid ka mid ah marxaladihii ugu rabshadaha badnaa ee dagaalka sokeeye ee Suudaan oo socday ku dhowaad saddex sano.
Share.
Leave A Reply